Dhageeyso:- Gudoomiyaha Gedo” Waa Wax Aan Sal iyo raad laheyn in la dilay gudoomiyiha Ceel-Cadde”

0

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Ee Maamulka Jubbaland Axmed Buule Maxamed oo La hadlay Warbaahinta Simba  Ayaa been Abuur ku tilmaamay in la dilay Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-Cade Ee Gobolka Gedo Cabdi Cali oo lagu neeynaaso Abdi Qoorleeh .

Gudoomiya Buule ayaa sheegay in Warkaasi uu yahay Mid been Abuur ah Gudoomiyahana uu nool yahay islamarkaasina uu shalay ku dhaawacmay Dagaal ka dhacay Gobolkaasi uu haatana Dhaawac ahaan u jiifo Isbitaal ku yaala Gudaha Dalka Kenya .

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Gedo Ayaa ka hadlay Duqeeymaha Ciidamada Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo isga oo sheegay in maamulkooda ay aad uga xunyihiin duqeeymahaasi waxaana uu Kenya ugu baaqay in aanay bartilmaameedsan Dadka Rayidka ah.

Hoos ka dhageeyso Wareeysiga Gudoomiyaha Gedo Waxaana Wareeystay Cowke

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here