Naadiga Chelsea ee galbeedka Magaalada London ayaa xiligaan qorsheynaysa in ay Horyaalka dalka ingiriiska dib ugu soo celiso weeraryahankii Hore ee kooxaha Manchester United iyo arsenal Robin van Persie,
Chelsea ayaa sidoo kale xiiseenaysa weeraryahankii Hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato kasoo haatan ka Tirsan kooxda reer Brazil ee Corinthians sida maanta Lagu daabacay Daily Express.
Naadiga Chelsea ayaa u baahan weeraryahan dhaliyaha ah kadib markii ay ay shaaciysay in ay iibin doonto xidiga reer France ee Loic Remy halka dhaawac waqti dheer uu ku maqan yahay weerarka reer Colombia ee Radamel Falcao waxayna taasi keenaysaa in loo baahdo dhaliyaha reer Holland ee , Van Persie

