Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Cambaareeyay Weerarkii Xeebta Liido

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Lagu qaaday Hoteel ku yaala xeebta liido ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir,

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxa uu ku Tilmaamay weerarkii Liido mid wuxuushnimo ah ujeedkiisana ahaa sidii loo leyn lahaa Umada muslimiinta ah ee soomaliyeed ee  meesha ku sugneed,

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in falalka noocan oo kala ah aysan hakin doonin geedi socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka,  wuxuuna Tacsi u direy dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka,

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa si gaar ah ugu Tacsiyeeyay Qoyskii, Qaraabadii iyo Barlamaanka Galmudug oo uu weerarkaasi ugu geeriyooday Xildhibaan Bille Maxamuud Diiriye oo kamid ahaa Xildhibaanada ugu firfircoon ee Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. oo muqdisho ku sugnaa,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here