Wasiirka Amniga:- Gacanta ayaa Lagu hayaa Ninkii Hogaamiyaay Weerarka

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha  Somaliya, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed  ayaa sheegay  in Laamaha amaanka dowlada soomaliya ay ku guuleysteen in gacanta Lagu dhigo  ninkii Hogaaminaayay weerarkii iyo qaraxyadii xalay Lagu qaaday Hoteel ku yaala Liido, ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

C/risaaq Cumar Maxamed   ayaa Tilmaamay in Laamaha amaanka ay dileen  rag kale oo ka Tirsanaa al-shabaab oo weerarka qeybta ka ahaa isagoona xusay in dadkii meesha ku dhintay ay u badnaayeen dad shacab ah oo meesha ku caweenaayay xiligaas,

Wasiir amniga C/risaaq, ayaa Al Shabaab ku eedeeyay in weerarkaasi ay ku dileen dad shacab ah oo jewi degan isaga sugnaa. Wasiirka ayaa xusay in weerarkaasi ay Shabaabku ku dileen ugu yaraan 20 ruux oo rayid ah.

Weerarkii xalay ka dhacay Hoteelka  ku yaala Liido ayaa ahaa mid inta badan geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh iyadoo ay soo baxayaan in weerarka ay ku dhinteen dad isku qoys ah iyo dhaawac suxufiiyiin iyo Mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here