Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed lagasoo saaray xafiiskiisa waxaa uu kaga hadlay Weerarkii xalay dagaalyahanno taabacsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta Maqaaxida Liido Sea Food oo ku taalla agagaarka Xeebta liido ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir .
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxaa uu tacsi u diray ehelada,Asxaab iyo qaraabada dadkii xalay ku geeriyooday Weerarkii Shabaabku ay ka fuliyeen Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho Waxaana dhanka kale uu alle caafimaad taam ah uga baryay dadkii dhaawacyadu ay kazoo gaareen Weerarkii Xalay dhacay.
Xasan Sheekh Waxaa uu Sheegay in ka Xukuumad ahaan ay ka Dowlad ahaan ay ka Xunyihiin Wixii dhacay islamarkaana caddaaladda la horkeenayo kooxihii ka dambeeyey oo uu sheegay oo kaliya in in awoodoodu ay kusoo koobantay qaraxyo goobaha shacabka ay ka geystaan siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha dalka ,waxaana uu ammaanay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo uu ku ammaanay doorka ay ka qaateen sida uu yiri soo samatabixinta dadkii ku go’doonsanaa xarumaha la weeraray intii dagaalku uu socday.
Dhainaca kale Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya oo isna Dhankiisa kazoo saaray Warsaxaafadeed la mida midka madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Shabaabku ay xasuuqeen oo kaliya siduu yiri dad Maato ah oon waxba galabsan islamarkaana ay daruuri tahay in dowladdu ay qaaddo tallaabo ay uga jawaabayso arinkaan.
Waxaa uu ku celceliyey Cumar C/rashiid in marnaba dhacdadan aysan waxba u dhimaynin Ammaanka,Xasiloonida iyo Waliba hormarka dalka Soomaaliya,isagoona ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyin uu sheegay in Shabaabku ay la doonayaan shacabka Soomaaliyeed dowladdana ay ku garabsiiyaan Cirbtirka iyo la dagaallanka Al-shabaab.
Sidoo kale Qaraxyadii Xalay Waxaa Cambaareeyey Madaxda Midowga Africa,Midowga Europe iyo Qaramada Midoobe.
Xalay inta u dhaxaysa Salaadaha Maqribka iyo Cishihii Waxaa baarar lagu caweeyo oo ay dadku isugu yimaadaan ka dhacay Weerarro Sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac weerarkaasi oo masuuliyaddiisa ay sheegatay Xarakada Al-shabaab waxaana Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku qaadatay Muddo ku dhaw 10-Saacadood So oaf jaridda dagaalka meeshaa ka dhacay waxaa dhinaca kale ku dhintay dad gaaraya 20-ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhinacii Weerarka ahaa iyadoona dad 30-ruux ka bandanna ay ku dhaawacmeen weerarkaasi kuwaasi oo xaaladooda caafimaad hadda lagu dabiibayo.

