Abaaro 7:15 waxaa rag hubeysan oo al shabaab ka tirsan weerar xoogan ay ku qaadeen hotelo ku yalo xeebta liido ee degmada cabdicasiis..
Weerarka oo ku bilowday gaari walxa qarxa laga soo buuxiyay waxaa mudo kadib xigay dagaal si toos ah u dhexmaray raga weerarka qaaday iyo ciidamada ilaalada ka hayay hoteelada la weeraray………
Sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada ka hayay hoteelada la weeraray ayaa idaacada simba u sheegay in raga hubeysan ee wararka soo qaaday ay dooman xaga bada kaga yimaadaan taasna ay fududeysay in jahwareer ay galaan ciidanki ilaalada hayay iyo dadki xeebta ku caweynayay
Inta ilaa hada la xaqiijiyay dad ku dhow 20 qof ayaa ku dhintay weerarka xaley lagu qaady hotelada Liido Sea Food, iyo liido Beach View waxaana jiro dad badano ku dhaawacmay weerarka qorsheysnaa ee al shabaab hoteeladani la beegsadeen.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah gudoomiyaha degmada xudur ee gobolka bakool aadan cabdi wariye Maxamed Ibraahin Macalimoo.gudoomiyaha degmada wartanabada
Waxa jiro sidoo kale mas’uuliyiin ka tiorsan dowlada soomaaliya oo ka bad baaday weerarkaasi waxaana dadka bad baaday ku jiro xeer ilaaliye ku xigeenkla qaranka dr maxamed xasan nuur…. Sheikh soomoow iyo mas’uuliyiin kale..
Axmed xasan yalaxoow oo ah gudoomiyihi hore ee degmada kaaraan horena sidoo kale gudoomiye ugu soo noqday degmada shangaani waxa uu kamid aha dadka weerarka uu ku qabsaday xaley hotelaada liido ku yaalay waxa uu idaacada simba sharaxaad kaga bixiyay sida liido xaley wax ay kaga dhaceen…cod,,,
Wasiirka amniga xukumada soomaaliya c/risaaq maxamed cumar waxa uu sheegay in gacanta lagu hayo ninki hogaanka u aha weerarka xaley isagoona xusay wasiirka in la dilay ragi weerarka qaday ciidankuna soo afjareen weerarka waxaa sidoo kale wasiirka aminigu uu sheegay in dadka weerarka ku dhintay ay tiro nahan gaarayaan 20 ruux oo dad shacab u badan…..
Xiliga weerarka uu dhacayay oo gobaha la weeraray aad u mashquulsanaayeen wxaa jiro warar shgeegaya in hoteelada la weeraray mid kamid ah uu ka sootay xaflad aroos.
Aadan cabdi maxamed waa gudoomiyaha ku xigeeka degmada xudur waxa uu sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray weerarka balse rag kale asxaabtiisa ah uusan garaneyn halka ay ku danbeeyeen xili uu ku sugnaa mid kamid ah isbitaalada muqdisho ayuu sidani u sheegay idaacada simba…
Weerarka oo waqti badan qaatay in la soo afjaro ayaa arintaasi waxa ay keentay in daqiiqadba daqiiqada ka danbeyso sii kordho qasaaraha waxaana raga hubeysan ee al shabaab ka tirsanaa marki ay gudaha u galeen hotelka Beach View waxa ay damiyeen dhamaan leerarki ku xirna hotelka taas oo goobta ka dhigtay gudcur waxana isku darsoomay ragi dagaalamyay iyo dadki shacabka ah madama dadka bad baad islaha aysan wax badan arkeyn waxana dhawaqa qaraxyada inta weerarka uu socday ay ahaayeen kuwo si weyn looga malayay magaalada muqdisho
Meedad iyo dhaawacyo badan ayaa logu tagey xaley xiligi weerarka la soo afmeeray dhabarka danbe ee hotelka Beach View waxana meedadka ay u badnaayeen dhallin yaro iyo sidoo mkale haween kamid ah dadki ku qaxweynayay hoteelada la weeraray…

