Dhageyso:-Maamulka Degmada C/casiis oo ku eedeeyey Al-shabaab in ay Xasuuqeen Dad Shacab ah Xeebta Liido.

0

Guddoomiyaha Maamulka Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir oo Goor dhaw oo saaka ah Shirjaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho gaar ahaan Xeebta liido oo xalay ay weerareen Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa Waxaa uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyey weeraradii xalay halkaa ka dhacay.

Guddoomiyaha Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in Al-shabaab aysan ka gaarin weerarkaasi ujeedkii ay ka lahaayeen sida uu sheegay oo ahaa in ay wax yeeleeyaan masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan oo goobaha la weeraray ku sugnaa,Waxaana uu ku eedeey Xarakada Al-shabaab in ay weerarada halkaasi ay ku qaadeen ay ku xasuuqeen dad maata ah oon waxba galabsan oo usoo damaashaad tagay xeebta liido ee magalada muqdisho.

intaa waxaa uu raaciyey in dadka saaka ay meydadkooda ay qaadeen ay ku jiraan Caruur aad u da’yar iyo hooyooyinkii dhalay oo halkaa ku dhintay intii dagaalku uu socday islamrkaana dhibaatada ugu badan ee goobta ka dhacday ay soo gaartay dad rayid ah oo dumar iyo caruur u badan sida uu hadalka u yiri.

dhainaca kale guddoomiyaha Degmada C/casiis ayaa intaa ku daray hadalkiisa weerarada halkaa xalay ay ku qaadeen dagaalyahanada Al-shabaab aysan waxba u dhibidoonin tagidda iyo ku caweynta Xarumaha Ku teedsan Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho Weeraradanna ay barayaan ka hortagga weeraro la mid ah kuwii xalay oo mar kale halkaa ka dhaca islamarkaana meelo ka mid ah Caalamka oo ka amni badan Soomaaliya ay qaraxyo waaweyni ka dhacaan wixii xalay dhacayna aan lagu tilmaamikarin amni darro siduu hadalka u yiri guddoomiyaha degmada C/casiis oo xalay weerarro qasaare badan geystay ay ka dhaceen isagoona ka codsaday Ciidamada ammaanka ee degmadaasi in ay gacan bir ah ku qabtaan ammaanka guud ee goobahaasi muhiimka ah.

Xalay fiidkii Salaadaha Maqribka iyo Cishaha inta u dhexeysay ayaa waxaa weerarro qaraxyo toos isugu jiray ay ka dhaceen xarumo hotello iyo maqaaxiyo ah oo ku yaalla agagaarka Xeebta liido ee magaalada Muqdisho,waxaana ka dhashay qasaarooyinkala duwan oo soo gaaray dad farabadan oo dhinacyo badan isugu jira oo ku sugnaa goobahaasi la weeraray.

Halkaan ka dhageyso Codka guddoomiyaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here