Gudiga maaliyada ee Baarlamaanka Soomaliya iyo Wasaarada maaliyadda Xukuumada Somaliya oo warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in lacagaha shirarka caalamiga loogu deeqo somaalia ay dibu dhac ku keenen howlaha dowladnimada iyo waliba abuurista dhaqaalaha Somalia
Gudoomiyaha gudiga baarlamaanka Somalia cilmi maxamed nuur ayaa sheegay in dib u dhac dhaqaale ee soo wajahay doowlada soomaalia ay sabab u tahay in xukuumada soomaaliasanadkii tagay boqolkiiba 50 miisaaniyada dalka ay aheed lacagaha shirarka waaweyn ee caalamka somaaliya oo ugu deeqo oo uu sheeg in intooda badan aysan soo galin qasnada dowlada somaaliya.
Agaasimaha wazaarada maaliyada xukuumada soomaliya Axmed Cabdi Aadan Garaad ayaa isna sheegey in lacagaha deeqaha ah aysan si sax ah usoo galin gacanta dowlada soomaaliya, waxa uuna sheegey in aysan jirin cid si bilaash ah lacag kuugu deeqeesa hayeshee ay deeqahaasi ay la socdaan dano siyaasadeed iyo waliba dano gaar ah oo laga leeyhay dalka
Sikastaba ha ahaatee hadalkan sida wadajir ka ah uga soo yeerey gudiga maaliyada baarlamaanka iyo wazaarada maaliyadaba waxa uu imanayaa iyadoo shacabka soomaliyeed ay hadal hayaan halka ay ka baxeen malaayiin lacaga ah oo somaliya shirar waaween oo caalami ah loogu deeqey si loo kabo miisaaniyada dowlada soomaaliya.

