Maanta Waxaa ay ku beegantahay Maalinkii la qoray Farta Soomaaliga Waxaa Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah kla dhacay Munaasabado lagu Xusaayo Maalinkaan qiimaha Weyn ku leh quluubta Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa Xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho laguna xusayey Maalinkaan ka qaybgalay Madaxda Sare ee Dowladda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Xubno kale kale oo kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo waliba dad wax badan ka yaqaanno taariiqda qorista farta Soomaaliga.
Si la mid ah Munaasabado kale ayaa ka dhacay magaalooyinka Jowhar,Kismaayo iyo Deegaanno kale oo ka mid ah Soomaaliya
Hadaba Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa diyaarisay Warbixintaan aan ugu Magacdarnay QORANE AFKEENNA MAXAAN U DHAWRAN LA”NAHAY.
Waxaa Warbixintaan Diyaariyey Wariye Bashiir Maxamuud Yuusuf BK oo Idaacadda Simba Ka tirsan Dhageysi Wacxan.
Halkaan ka dhageyso Warbixinta.

