C/nuur Jaamac Jookar oo ka mid ah aqoonyahanada dhanka Ciidanka Ciidanka oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Dowladaha Tababara Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay dano gaara ka leeyihiin Tababarada ay Siiyaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya Siduu yiri.
Waxaa uu sheegay in Dowlad Walba oo dan gaar ah ay kasoo gasho Soomaaliya ay ku andacooneyso in Soomaaliya ay wax la qabanayso oo ay u tababarayso Ciidankeeda taasi oo uu sheegay in aysan daacad ka ahayn balse danteeda gaarka ah ay ku wadato islamrkaana halkaasi ay ku dulmanyihiin Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda oo uu tilmaamay in qiyaano lagu wado.
Cabdinuur Jaamac Jookar oo sii hadlaya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka iyo dowladdu ay iskaashadaan islamarkaana laga Maarmo in Dalkooda lagu dhaco in wax loo qabanaayo .
Waxaa sheegay in dowladda looga baahanyahay in ay la xisaabtanto dowladaha tababara Ciidanka Dalka si meesha looga Saaro in dano gaara ay kusoo gambadaan dowladaha Caalamka ee tababarada Siiya Ciidamada Dolwadda Soomaaliya,isagoona intaa raaciyey in muhiim ay tahay in Ciidamada Soomaaliya loo tababarayo ay tababarka ku qaataan Guudaha Dalka soomaaliya taasi oo uu ku sheegay in ay wax badan dalka kusoo kordhinkarto isagoona ugu baaqay Madaxda Dowladda in ay arinkaa sidii loo hirgalinlahaa ay ka shaqeeyaan.
Intabadan Dowladaha Caalamka ee Soomaaliya ka gacansiiya Tababarka Ciidanka ayaa waxaa lagu eedeeyaa in aysan Ciidanka Soomaaliya Tababarka Ku Siinin Gudaha Soomaaliya taasi oo sida la sheegay ay dano gaara ay ka leeyihiin wadamada Caalamku arinkaasi.

