Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Cabdiqadir Shariif Sheekuna Maye ayaa ka Hadlay xiliyada ay bilaawan doonaan Kulamada xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Cabdiqadir Shariif Sheekuna Maye waxa uu sheegay in Todobaadyada soo socda ay si rasmi ah u Furmi doonaan Kulamada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya isagoona sheegay in kulamada Ugu Horeeya loogu hadli doono xeer hoose saadyada ay yeelan doonaan Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Cabdiqadir Shariif Sheekuna Maye waxa uu ka Dalbaday Baarlamanka Soomaliya In ay gacan siiyaan dhanka Tababarida xildhibaanada baarlamanka koonfur Galbeed soomaliya si ay u helaan qibrado. dheeraad ah.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya waxa uu ka Hadlay Kulamo uu la qaatay Madaxdii ka qeyb gashay calaama-saarkiiisa isagoona xusay in ay kawada Hadleen sidii loo Taageeri lahaa Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.
Waxa uu sidoo kale ka Hadlay ka Hadlay balan-qaaday uu kala Kulmay Gudoomiyaha baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay,
Halkaan Hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay idaacadda simba

