Howlgal Saakay ka Socda degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir

0

Wararka saakay naga soo gaaraya Xaafada suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya oo garab ka helaya kuwa amisom ay saakay ka wadaan xaafadaas Howlgalo baaritaano ah.

Dadka xaafada suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in Howlgalka uu yahay mid xoogan aysan jirin dhaqdhaqaaqa gadiidka, shacabka iyo goobaha Ganacsia,

Ciidamada ayaa si gaar  u baaraya Guryaha ku yaala xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa kadib weeraro ay al-shabaab Saldhigya xaafadaas ay kusoo qaadeen  isbuucyo ka Hor,

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here