Professor Baadiyoow:- Madaxweynaha Soomaliya ha is  Casilo +Dhageyso

0

Professor C/raxmaan baadiyoow oo kamid ah  siyaasiyiin soomaliyeed marna noqday Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka Hadlay shirkii shalay kusoo gaba-gaboobay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose kaasi oo aan natiijo wanaagsan kasoo bixin,

Professor  Baadiyoow waxa uu sheegay in madaxda dowlada soomaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ay ku fashilmeen Hogaaminta dalka Taasi badalkeedana loo baahan yahay in ay iscasilaan,

“Madaxweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxamuud mudadii uu xilka hayay wuu ku Fashilmay wax ka qabashada dalka waxaana looga baahan yahay Madaxweynaha in uu iscasilo ayuu sheegay Proffer C/raxmaan baadiyow oo la hadlay idaacada simba.

Madaxda dalka soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa isku qilaafay qodobada qaar ee dhanka iyo doorashada iyadoona Maamulada Puntland iyo Juba-land ay qabaan in doorashada laga dhigo nidaamka heer degmo halka galmudug iyo Koonfur Galbeed soomaliya ay qabaan in doorashada laga dhigo nidaamka heer 4.5.

Dowlada soomaliya ayaa sheegtay in dhawaan shir kale la iskugu imaan doono kaasi oo lagu goo’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here