Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku eedeeyay Madaxda dowlada soomaliya in ay mas’uul ka ahaayeen in uu fashil kusoo dhamaado shirkii Kismaayo ka dhacay dhawaan.
C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ku sugan deeganada Maamulka Puntland oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka siyaasi ahaan ay shirka ka filayeen natiijooyin wanaagsan laakin ay niyad jabeen markii ay maqleen in uu shirka kusoo dhamaaday Fashil, iyo fikir kala duwanaansho dhanka Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira,
Dhanka kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa aaminsan sababta fashilka shirka inay tahay Shaqo loo baahanaa kol hore in la qabto oo laga seexday, taasina masuuliyadeeda wuxuu dusha uga tuuray Madaxda Dowlada soomaliya.
Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu fashil kusoo dhamaaday shirkii loogu Hadlaayay doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,

