Issa Abdi:- Wiilkayga Wuxuu kamid ahaa Ciidamada Kenya ee ku Sugnaa deeganka Ceel-cadde

0

Issa Abdi, waa aabaha  Abdinassir Issa,  wuxuu ka walwalsan yahay in wiilkiisa uu kamid ahaa askartii Kenya ee ku dhimatay weerarkii jimcihii ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo, ee koonfurta dalka soomaliya,

Aabe Issa Abdi, waxa uu sheegay in wiilkiisa uu dhawaan kamid Noqday Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Amisom isagoona Tilmaamay in dhawaan la geeyay deeganka ceel-cadde ee Gobolka gedo oo saldhigyo ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya,

Waxa uu ka walwalsan yahay in wiilkiisa uu kamid ahaa askartii al-shabaab ay ku dileen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo kadib weerar qorshaysan ay deegankaas ku qaadeen subaxnimadii jimcaha aheyd,

Dowlada  Kenya ayaa wali wadda baaritaano ku aadan Tirada Rasmiga ah ee ku dhimtay weerarkii ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo. ee dalka soomaliya,

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Kenya Joseph Nkaiserry waxa uu shacabka iyo warbaahinta Kenya ugu digay in lasoo bandhigo sawiro muujinaya askartii ku dhimatay weerarka ka dhacay deeganka Ceel-cadde,

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deeganka waxayna Tilmaamay in ay ku dileen ku dhawaaad 60-askari oo kamid ahaa ciidamada Kenya

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here