
Xidiga garabka kaga ciyaara kooxda Chelsea Willian ayaa ugu dambeyn ogolaaday in uu heshiis u saxiixo kooxda Chelsea ee galbeedka Magaalada London ka dhisan,
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Brazil ayaa waayo fiican ku qaadanaya kooxda Chelsea isagoona noqday mid kamid ah xidiga ugu saameynta Badan Horyaalka dalka Ingiriiska.
Majalada Daily Star ee England kasoo baxda ayaa xiligaan ku waramaysa in laacibka Willian uu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Chelsea.
