Dowlada Wadanka Indonesia ayaa sheegtay In Bahrun Naim uu kamid ah ragii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Jakaarta ee Caasimada dalka Indonesia,
Booliska Magaalada Jakaarta e Caasimada dalka Indonesia ayaa sheegay in maanta oo jimco aheyd gacanta lagu dhigay Bahrun Naim oo la sheegay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii ka dhacay Magaalada Jakaarta sida uu warbaahinta u sheegay Madaxa Booliska Magaalada Tito Karnavian.
Booliska Magaalada Jakaarta ee dalka Indonesia ayaa sidoo kale Tilmaamay in Naim uu Hal sano oo xabsi ah dhameystay sanadkii 2011-kii kadib markii Hub lagu qabtay isagoona dhawaan kasoo garab dagaalamay ururka daacish ee ciraaq iyo Syria, ka dagaalama.
Dhanka kale Inta la xaqiijiyay 2-qof oo shacab aheyd ayaa ku dhimatay weerarkii waxaana wali socda Baaritaano la xiriira weerarka waana weerarkiii ugu xumaa ee ka dhacay dalka Indonosia tan iyo sanadkii 2009-kii,

