Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ka soo Horjeystay in Ay Gaaraan Magaalada Jowhar

0

Qaar kamid ah Odoyaasha Gobolka Hiiraan ay kasoo Horjeystay in ay tagaan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe si ay kaga qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe,

Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Nabadoon Dacar Hirsi oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay ka gaabisay waxyaabo badan  ay kamid tahay in odoyaasha Gobolka Hiiraan lagala Hadlo shirka Maamul u sameynta,

Nabadoon Dacar Hirsi waxa uu sheegay in madaxda dowlada soomaliya ay awood ku doonayaan in ay ku maamulaan  odoyaasha Gobolka Hiiraan iyo shacabka Gobolka Hiiraan waa siduu hadal u dhigay Nabadoon,

Dhanka kale Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Nabadoon Dacar Hirsi waxa uu ka Hadlay safarka uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar Yuusuf daba-geed  uu maanta ku Tagay Magaalada Jowhar isagoona safarkaas ku Tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin,

Qaar kamid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa wali saluugsan ka qeyb galka shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here