Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Juba-land oo gaaray Magaalada Jowhar

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Juba-land Suldaan Cabdiqaadir Luga dheere ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe,

Waxaa Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxda Gobolka shabeelaha dhexe iyo madax ka Tirsan dowlada soomaaliya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeelaha dhexe.

Dhanka kale wararka aynu ka halayno Magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in baaqasho uu ku dhow yahay shirka Lagu go’aamin doono doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan Madaama uusan Magaaladaas wali gaarin Madaxweynaha Soomaliya Xasan shiikh Maxamuud, oo ah mas’uulkii furi lahaa shirka,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here