Ciidamada Ilaalada Madaxweynaha Soomaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo

0

Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Magaaladaas ay gaareen ciidamada loo yaqaano Koofi Gaduuda. Oo ah ilaalada Rasmiga ah ee Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud,

Diyaarada waday Ciidanka loo yaqaanayo Koofi Gaduuda ayaa ka dagatay Garoonka diyaaraha Magalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose iyagoona haatan ku sugan Howlka uu ka dhici doono shirka Lagu Go’aamin doono doorashada ka dhacaysa,

Dhanka kale Ciidamada Koofi Gaduuda, ayaa hubin doono ammaanka Xarunta Shirka Wadatashiga Qaran ee Kismaayo ka furmaayo, inkastoo aysan si toos ah ammaanka ula wareegin, hadana waxa ay shaqada ugu badan qaban doonaan markuu Madaxweynaha uu Kismaayo tago.

Ciidamada Gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Haatan la geeyay xarunta Shirka uu ka Furmayo iyagoona bilaabay baaritaano ku aadan goobta uu shirka ka dhaco iyagoona baaritaano  ku sameynaya goobta uu fariisan doono Madaxweynaha,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here