Weeraryanka kooxda Barcelona Lione Messi ayaa habeenkii xalay ahaa loo magacaabay xidigaha ugu wanaagsan aduunyada markiisa 5-aad ee Kubada Cagta.
Halkaan Hoose waxaa idin kugu soo Gudbin doonaa dhacdooyin ku aadan xidigaan
Messi waa ciyaaryahanka kaliyah ee ku guuleystay FIFA Ballon d’Or 5-jeer 4-jeer waxa uu qaaday sanadyadii kala ahaa 2009, 2010, 2011 iyo 2012. Xalayna waxaa loo magcaaabay markiisa 5-aad
- 52 – Gool ayuu dhaliyay dhamaan Tartamada oo dhan dhanka xulkiisa iyo kooxda Barcelona sanadkii aynu soo dhaafnay. ee 2015-ka
- 430-Gool ayuu u dhaliyay kooxda Barcelona dhamaan Tarmada oo dhan kadib markii uu kasoo muuqday 503-kulan
- Taasi ayaa u dhigmata in 0.85 uu kulan walba uu shabaqada soo tabanayay laacibka heerka caalami e xulka dalka Argentine
- 26-koob ayuu la qaaday kooxda Barcelona wuxuuna kala mid yahay xidiga Andres Iniesta. Oo Barcelona kula guuleystay 26-koob
- 295-gool uu ka dhaliyay Horyaalka dalka Spain ayaa ka dhignaatay in uu 44-gool ka sara maro laacibkii Hore ee Horyaalka dalka Spain Telmo Zarra.
- 28-gool oo loo yaqaano Hat-tricks ayuu Barcelona u dhaliyay Messi
- 49-gool ayuu u dhaliyay xulkiisa dalka Argentine kadib markii uu kasoo muuqday 105-kulan dhamaan Taramada oo dhan.
- 16-sano marka uu jiray Messi waxa uu markiisa ugu Horey kasoo muuqday kooxda Barcelona
- 91-goal ayuu messi dhaliyay xili ciyareedkii 2012-wuxuu jabiyay Recordkii u yaalay laacibkii Hore ee qaranka dalka Germany Gerd Muller sanadkii 1972.
- 58,000,000 – oo taageero ah ayuu ku yeeshtay barta Twitter Lione Messi sanadkii 2015-ka aynu soo dhaafnay

