Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turky-ga

0

Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Lagu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee dalka Turky-ga

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya ayaa shalay galinkii dambe ka amba-baxay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kadib casuumaad uu ka helay Madaxda dowlada Turky-ga,

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Ankara ee dalka Turky-ga, waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyed, Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Turkiga iyo Safiirka Somaliya dalkaasi u fadhiya.

Taliyaha ciidamada booliska soomaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa mudooyinkii dambe safari ku Tagayay qaar kamid ah wadamada caalamka isagoona kala hadlayay wadamadaas sidii loogu qeyb qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada booliska soomliyeed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here