Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo ku Kulmay Magaalada Kismaayo

0

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta markii ugu horeysay ku kulmay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose,

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kulan waqti badan qaatay ku qaatay maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose kadib markii ay dhawaan  Heshiis ku gaareen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Labada Mas’uul ayaa la sheegay in kawada Hadleen sidii lagu xoojin lahaa xabad joojinta ka hirgashay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo sidii xabad joojintu u noqon laheyd mid waarta.

C/kariin Xuseen Guuleed iyo  C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay wada gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose iyagoona kamid ah madax ka qeyb galaysa shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan,

Dhanka kale Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo kamid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay kulankii lagu heshiisiiyay labada Madaxweynaha oo xiligaan ku sugam Magaalada  kismaayo ayaan ka qeyb galin kulanka. Labada Madaxweyne,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here