Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Galabta ka dhacay Gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,
Ganacsade Abuukar Xaaji Hiraabe oo ka mid ah ganacsatada Somaliyeed, ee aadka loogu yaqaano gayiga soomaliya beerana ku lahaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa galinkii dambe ee galabta waxa lagu dilay meel u dhow agagaaraha Xero Agoon. Ee degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib qarax lala beegsaday gaarigiisa,
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay Ganacsade Abuukar Xaaji Hiraabe iyo nin darawal u ahaa oo xiligaas la socday sida uu warbaahinta u sheegay Yuusuf Maxamed Moordow, Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Degmada Afgooye,
Mudane Yuusuf Maxamed Moordow Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Degmada Afgooye, waxa uu Tilmaamay in qaraxa sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo qof kale oo xiligaas ka ak dhaweyd goobta wuxuuna xaqiijiyay in qaraxa meesha lagu aasay.
Xildhibaan Xasan Macalin Maxamed oo kamid ah xidlhibaanada baarlamanka soomaliya ee kasoo jeeda Gobolka shabeelaha Hoose ayaa dowlada soomaliya ugu baaqay in gacanta lagu soo dhigo ragii ka dambeeyay dilka ganacsadaha,

