Madaxweynaha Maamulka Soomali-land Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah Madaxda dowlada soomaliya in ay deeganada Maamulka Soomali-land ay ka wadaan falal amniga lidi ku ah,
Mudane Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa tilmaamay in Maamulkiisa uu ka warqabo abaabulka ay wadaan qaar kamid ah Madaxda dowlada soomaliya laakin maamulkiisa uu ka hortagi doono arimahaas,
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Soomali-land Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa beesha caalamka ugu baaqay in dib loo bilaabi wada-hadalkii u dhaxeeyay Maamulkiisa iyo dowlada dhexe ee soomaliya,
Beesha caalamka ayuu ku amaanay sida wanaagsan ay ugu dhax shaqeynayay Maamulka Soomali-land iyo dowlada dhexe ee soomaliya iyo wada-hadalka u dhaxeeyay Soomali-land iyo soomaliya,

