War Deg Deg: Qarax Xoogan oo Laga Maqlay degmada Shibis+ Sawiro

0

Wararka aynu ka halayno degmada shibis ee Gobolka Banaadir ayaa Tilmaamaya in qarax xoogan  uu goor dhaweyd  ka dhacay gudaha degmadaas,

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay xaafada Nasii-Buundo ee degmada shibis waxaa halkaas ku qarxay gaari la sheegay in  noociisa uu ahaa  kuwa raaxada waxaa la Tilmaamayaa in uu qarxay xili uu xaafada Nasii-Buundo marayay,

Wararka sidoo kale aynu halayno degmada shibis  ayaa ku waramaya in uu ku dhintay qaraxa darawalkii gaari waday halka qof kale oo gaari saarnaa uu ku dhaawacmay qaraxa,

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa haatan  gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo baaritaano ka sameenaya goobta iyadoona qaar kamid isbitaalada Magalada Muqdisho loola cararay mid kamid ah ragii sarnaa gaari uu qaraxa ka dhacay,

al-shabaab ayaa dhankiisa  ka hadlay qaraxa saakay ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday nin u shaqeynayay Hay’adaha dowlada soomaliya magaciisa waxa ay ku sheegeen charles,

17ee02d2 (1) 17ee02d2 7245aeb7 76710ccf a4ba3df4 b8026820

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here