Labo ka Tirsan Askarta Booliska dalka Masar oo ku dhimatay Weerar Dhacay

0

Labo ka Tirsan Ciidamada booliska dalka Masar ayaa lagu dilay  weerar ka dhacay deeganka Giza ee koonfur Magaalada Qaahira ee dalka Masar,

Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Masar oo la hadlay warbaahinta Gudaha dalka masar ayaa sheegay in rag aad hubeysan aan la ogeyn waxa ay ahaayeen  ay soo weerareen deegaanka Giza ee koonfur Magaalada Qaahira ee dalka Masar, Iyagoona dilay labo ka Tirsan ciidamada booliska dalka Masar.

Labada askari ee weerarka lagu dilay ayaa Magac-yadooda lagu kala sheegay Ali Ahmed Fahmy iyo Ramadan al-Burhami oo kamid ah askarta ku sugneed deeganka Giza ee koonfur Magaalada Qaahira ee dalka Masar,

Cidna ma sheeganin weerarka ka dhacay deeganka Giza ee koonfur Magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoona weerarka uu kusoo beegmayo xili jimcihii aynu soo dhaafnay weerar xoogan uu ka dhacay Hoteel ay dagnaayeen dad u dhashtay dalka Israel,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here