Kooxda Manchester City ayaa kula soo biirtay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid xiisaha xidiga garabka kaga ciyaara kooxda Chelsea Eden Hazard oo macquul ay tahay in uu xili ciyaareedkaan ka dhaqaaqo kooxda Chelsea,
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka Eden Hazard ayaa lagu xiiseenayaa aduun dhan £80 million kadib markii uu xili ciyaareedkaan uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u xun aan horey loogu baranin,
25-jirka horey ugu soo ciyaaray kooxda Lyon ayaa la aaminsan in uu kooxda Chelsea ka Tagi doono dhamaadka xili ciyaareedkaan iyadoona city ay doonayso in ay la wareegto laacibka garabka ka ciyaara,

