Shil gaari oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay afafka hore ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,
Inta la xaqiijiyay shilka gaari waxaa ku dhintay 20-ruux oo ahaa dadki saarnaa gaari xamuul ahaa ee ka yimaaday dhanka Magaalada dhuuso Mareeb oo ku dhacay gaari la sheegay in uu ka Yimid dhanka Magaalada Muqdisho shilka ayaa ka dhacay halka laga galo magaalada, dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud,
Dhanka kale Agaasimaha Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb Dr Axmed Mahdi Maxamed oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in dad badan oo ku dhaawacmay shilka gaari la keenay isbitaalka weyn ee degmada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud,

