Mid kamid ah beelaha daga Gobolka Mudug ayaa maanta Hub isku jira gaadiid dagaal, ciidan iyo hubka noocyadiisa kala duwan waxa ay ku wareejisay Maamulka Galmudug oo baryihii dambe la wareegayay hubka beelaha ay haysteen,
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa maanta ka qeyb galay xaflada hub wareejinta aheyd, oo ka dhacday Magaalada Gaalkacyo,
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu mar walba soo dhaweynayo in beelaha daga Gobolka mudug ay ka qeyb qaataan dib u dhiska ciidanka Maamulka Galmudug,








