Magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud waxaa hadda ku sugan Wafdi uu horkacayo hogamiyaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo shalay galinkii hore gaaray halkaasi oo ay u tageen arimo kala duwan.
Xalay ilaa saaka kulamo kala duwan ayaa ka socda Magaalada oo ay wada leeyihiin Axmed Maxamed Islaam Madoobe hogamiyaha Jubbaland ee martida ah iyo walib Hogaamiyaha Galmudug Cabdikariin Xuseen guuleed kulamadaasi oo looga hadlaayo waxyabo badan oo ay ka mid yihiin qaabka galmudug ay u guuri lahayd Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta gobolka galgaduud oo caasimad u ah Maamulkaasi balse hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlu-sunna.
Waxaa uu sheegay Hogaamiyaha Jubbaland in ka jubbalnd ahaan ay diyaar u yihiin kala dhaxdhaxaadinta Galmudug iyo Waliba Ahlu-sunna oo hadda uu ka dhexeeyo khilaaf ku aaddan maamulidda deegaanada Gobolada dhexe qaarkood.
Sidoo kale waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa waxaa qeyb ka ah furmidda shirka looga hadlaayo arimaha doorashooyinka ee lagu wado in ay dalka dhacaan shirkaasi oo dhawaan ka furmaya Kismaayo.
Ugu dambeyn hogaamiyayaasha labadan Maamul ee Jubbaland iyo Galmudug ayaa sheegaya in ay islamaanta ku wajahanyihiin Magaalada Boosaaso si ay ugu qeybgalaan xaflad xarigga loga jaraayo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

