Deegaanka Goof-gaduud oo qiyaas ahaan 30-KM u jira Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeyey Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Koonfurgalbeed oo isku dhinac ah iyo Waliba Ciidan taabacsan Xarakada Al-shabaab.
Dagaalka oo bilowday aroortii horev ee Saaka ayaa yimid kadib Markii Dagaalyahanno Al-shabaab taabacsan ay weerar xooggan ku ekeeyeen Fariisimo iyo Waliba Saldhigyo Ciidanka Dowladdu ay ku lahaayeen Deegaankaasi.
Inta la Xaqiijiyey Dagaalkan dhacay Waxaa ku geeriyooday 8-ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen,Waxaana Muddo kooban oo waabarigii saaka ah la sheegayaa in gacan ku haynta deegaankaasi ay la wareegeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab waloow markii dambe dib looga saaray oo gacanta ciidanka dowladana ay kusoo laabatay.
Al-shabaab iyo Maamulka Deegaankaasi ayaa siyaaba kala duwan uga hadlay Dagaalkaasi iyadoona dhinacba uu gooni guul u sheeganaayo.
Warar lagu daabacay baraha Internate-ka ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidanka Al-shabaab ay gudaha u galeen Deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay islamrkaana ay gubeen gaadiid nuuca dagaalka ah iyo waliba gaariga guddoomiyaha deegaankaasi.
Dhinaca Kale Guddoomiyaha Deegaankaasi ayaa qiray in Al-shabaab ay muddo kooban uu ugu jirayu Deegaankaasi waxaase uu meesha ka saaray in ay gubeen ama ay qabsadeen gaari uu isagu lahaa taasi oo uu been abuur ku tilmaamay,Waxaana uu intaa raaciyey in shabaabku ay qabsadeen gaari uu lahaa guddoomiyaha Deegaanka Aw-dhiigle sida uu yiri haddan deegaankii lagu dagaalamay ay joogaan.
Halkaan Codka ka dhageyso:-

