Dowlada Turkiga oo Sheegtay in ay Soomaliya ka dhiseyso Saldhig Malatari

0

Wargeyska Today”s Zaman oo turkiga kasoo baxa ayaa qoray in dowlada turkiga ay sameyn doonto saldhig Malatari oo ciidanka military-ga soomaaliya ay saldhigaasi ku tababaran doonaan.

Emel Tekin, waa haweyneda ah madaxa wasaarada arrimaha dibada turkiga waxa ay sheegtay in dalalka soomaaliya iyo turkiga ay kawada shaqeenayaan hor marinta ciidanka soomaaliya , dhismaha saldhigaani cusub uu noqon doono wada shaqeenta iskaashiga military ee labada dal.

Emel waxaa kaloo ay sheegtay  in bishii January 25, sanadkii 2015, ay dowlada soomaaliya kula hishiisay dhisada saldhiga cusub ee loogu talagalay in tababarka lagu siiyo ciidamada soomaaliya.

Dowlada turkiga ayaa ah dal saaxiib dhaw la ah dalka soomaaliya, waxaana ay ka hirgalisay dalka mashaariic kala duwan oo dhismayaal u badan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here