Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa sheegay in aysan wax layaab aheyn in shaqada laga ceyriyo macalin Rafael Benitez .
Kooxda Real Madrid ayaa xalay ku dhawaaqday in ay shaqada kooxda ka ceyrisay ninka reer Spain ee Rafael Benitez oo 7-bilood hayay shaqada kooxda Real Madrid Barcelona ayaa kamid aheyd kooxaha walaaca ku abuuray kooxda Real Madrid kadib markii 4:0 kaga adkaatay kulankii loogu magac-daray Clasico.
Dhanka kale waxa uu ka hadlay ninka ku cusub shaqada Zinedine Zidane waxa laga fili karo isagoona sheegay in wax walba ay dhici karaan.

