Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo dib loo dhigay

0

Wasaarada arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya  ayaa sheegtay in Mudo 3 cisho ah dib loo dhigay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe kadib geerida Ugaas c/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo shalay ku geeriyooday Magaalada Beledweyne.

Wasiirka arrimha Gudaha xukuumadda Soomaliya C/raxmaan maxamed xuseen Odawaa oo Maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la isku af-gartay in mudo 3-cisho ah dib loo dhigo shirka maamul u sameyna Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe kadib geerida Ugaas.

Wasiir Odawaa ayaa Tilmaamay in shirka uu Furmi doono 3-cisho kadib xili Todobaadkaan Gudihiisa Lagu waday in si rasmi uu u Furmo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here