Kooxda Liverpool ayaa dooneysa in ay kooxda arsenal ku garaacdo saxiixa weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, sida maanta lagu daabacay majalada Don Balon. Oo Spain kasoo baxda,
Macalinkii Hore ee kooxda Borussia Dortmund Jurgen Klopp ayaa Rumeysan in 26-jirka heerka caalami ee xulka dalka Gabon oo macalin Hore ugu soo Noqday uu yahay midka xalin kara dhibaatada kooxda Liverpool ka haysata dhanka weerarka,
Hadii ay kooxda Dortmund ay iibiso xidigaan waxa ay lasoo wareegi doontaa weeraryahanka kooxda Evertoon iyo xulka dalka Belgium-ka Romelu Lukaku oo xili ciyaareedkaan dhaliyay 15-goal,

