Madaxda Puntland oo kulan dhiiri gelin ah Madaxtooyada ugu sameyey 13-jir Farsamayaqaan ah

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiya Baarlamaan Axmed Cali Xaashi  ayaa Maanta 4-Jan-16 waxay dhiiri gelin u sameeyeen wiil da’yar oo farsamayaqaan ah booqasho lagu keenay qasriga Madaxtooyada Puntland.

Guuleed Aadan Cabdi waa wiil da’yar  oo jira 13-sanno oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga, waxa uu ku dhashay Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn halkaas oo uu wax-barashadiisa kasii wato.

Guuleed waxaa uu Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka hortooda kusoo bandhigay gawaadhi, iyo Diyaarado uu isagu iktiraacay oo maskaxdiisa ka keenay, Gawaadhid ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Ika-rogada ciidda iyo dhagaxa gurta, iyo Diyaarad.

Sidoo kale gaadiidkan uu guuleed sameeyey waxa u dhammaystirnaa dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii, indhihii ama laydhadhkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, codkii ama hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaadhi u baahnaa.

Madaxweynaha  Puntland ayaa intaasi kadib waxaa uu ugu horrayn ilaahay uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana uu usii siyaadiyo, waxaana uu ku tilmaamay madaxweynuhu arrintani inay tahay mid layaab badan marka loo eego wiilka da’diisa iyo maskaxdiisa.

Madaxweynaha  Puntland ayaa ku dhiiri geliyey guuleed inuu dedaalo wax-barashadiisana uu ka miradhaliyo oo aanu joojin hal-abuurkiisa iyo hirgelinta fikradaha cusub ee ka dhex guuxaya maskaxdiisa.

hhhhhhh IMG_2032 IMG_2036 IMG_2047 IMG_2056 IMG_2118 IMG_2097 IMG_2093 IMG_2090 IMG_2084 IMG_2084 (1) IMG_2080

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here