Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay is Casiladii Qaar kamid ah Wasiirada Maamulka Somali-land

0

Madaxweynaha Maamulka gooni isu-taaga Somali-land axmed Maxamed Maxmuud silaanyo ayaa ka Hadlay iscasilaadii qaar kamid ah wasiirada Maamulka Somali-land

Isagoo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somali-land  ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Somali-land axmed Maxamed Maxamuud silaanyo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabi doono xilalkii ay baneeyeen qaar kamid wasiirada Maamulka Somali-land oo shalay is casilay

Madaxweynaha Maamulka Somali-land axmed Maxamed Maxmuud silaanyo ayaa saxaafada sidoo kale  u sheegay  in shaqsi walba uu xaq u leeyahay in uu is casilo dhawaana uu soo magacaabi doono Rag buuxiya boosaskii ay ka baxeyn wasiirada iscasilay oo diyaar u ah shaqada

Shalay ayay aheyd markii qaar kamid ah wasiirada Maamulka Somali-land ay ku dhawaaqeen in ay is casileen kadib dhaliilo ay u jeediyeen Madaxweynaha Maamulka Somali-land axmed Siilaanyo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here