Howlgalo Baaritaano ah ayaa saakay ka socda qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom
deegaanka Qooleyle ee dhaca duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo wararka saakay ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya oo Garab ka helaya kuwa Midowga Africa ee amisom ay howlgalo Balaaran saakay ka wadaan deegankaas
Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ayaa Dagaal kula Galay deegaanka Qooleyle ee dhaca duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ciidamo Tirsan kuwa al-shabaab oo Horey ugu sugnaa deeganka
Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la wareegeen deegaanka Qooleyle oo dhaca duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo kadib dagaal ka dhacay
Dhanka kale shabaab oo Ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay dileen 15-askari oo ka Tirsanaa ciidamada dowlada Ethopia ayna wali ku sugan Yihiin deegaanka Qooleyle ee dhaca duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

