Raisulwasaarada dowlada soomaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke ayaa sheegay in xukuumadiisa ay Go’an tahay sidii loo soo celin lahaa soomalida wali qaxootiga ku ah gudaha wadanka Kenya
Cumar C/rashiid cali shamarke ayaa ugu mahaceliyay Dowlada wadanka Kenya sidey u Marti Galisay qaxootiga soomaliyeed kuwasoo sanado ka Hor ka cararay colaadihii soomaliya ka Jiray
Raisulwasaarada dowlada soomaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke ayaa dhanka kale Tilmaamay in ay jiraan dhaqaalo ka yimid wadamada deeq Bixiyaasha caalamka kuwasoo loogu Talagay in lagu Taageero qaxootiga soomaliyeed ee wali ku sugan wadanka Kenya
Mudane Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale sheegay in dowlada soomaliya, Hay’ada UNHCR, iyo dowladaha lacagaha ugu deeqa soomaliya ay wadaan qorshayaal dib loogu soo celinaayo qaxootiga soomaliyeed ee wali sugan wadanka Kenya
Hay’ada UNHCR ayaa dhawaan shaacisay in dowladahii bixin jirey lacagihii loogu Talagalay qaxootiga soomaliyeed in aysan bixin bilihii dambe Taasina ay keentay gaabis ku Yimaada in lasoo celiyo qaxootiga soomaliyeed
Dhanka kale dowlada wadanka Kenya oo sanado ka Hor marti Galisay qaxootiga soomaliyeed ayaa ku eedeeysay dowlada soomaliya iyo Hay’ada UNHCR in ay ka gaabiyeen dib u celinta Qaxootiga soomaliyeed

