Jaaliyaha soomaliyeed ee Magaalada Johannesburg ee Wadanka Koonfur Africa ayaa ka Hadashay dilalkii Mudooyinkii dambe ka dhacayay qeybo ah Kamid ah wadanka Koonfur Afrika kuwasoo loo geysanayay soomalida ku Noqon wadankaas
Gudoomiyaha Jaaliyada soomaliyeed ee Magaalada Johannesburg ee wadanka koonfur Africa ayaa shaaciyay in dilalka dadka geysta ay Qeyb ka Yihiin dhalinyaro soomaliyeed isagoona xusay in qaar kamid ah dhalinyaradaas xabsiyada dalkaas lagu xiray
Caamair sheikh xuseen oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku Tilmaamay arinta ku aadan in gacanta lagu Dhigay dhalinyaro soomaliyeed oo dilal ka geysata qeybo kamid ah wadanka Koonfur Africa mid aad loogu xumaado
Dhanka kale Gudoomiyaha Jaaliyada soomaliyeed Magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Africa ayaa sheegay in qaar kamid ah xabsiyada dalkaas lagu xiray dhalinyarada dilalka geysta wallow 4-kamid ah si damiin ahaan lagu sii daayay qaar kalana la filaayo in soomaliya dib loogu soo celiyo
Waa markii ugu Horeysay ee la Maqlo in dilalka ka dhaca qeybo kamid ah wadanka Koonfur Afrika ay Geystaan dhalinyaro kamid ah soomalida ku dhaqan wadankaas

