Dhageyso: Kulankii Wada Tashiga Ahaa Ee Dhexmari Lahaa Xildhibaanada iyo Madaxda Sare Ee Dalka oo Baaqday

0

Kulankii ay Maanta xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho oo inta badan loogu Hadli lahaa  arimaha Mooshinka ayaa la sheegay in uu Baaqday

Baaqashada kulanka ayaa Lagu sheegay in sabab ay u tahay kadib safar shaqo uu dalka Kaga Maqan yahay Raisulwasaaraha dowlada soomaliya oo qeyb ka ah Madax ka Qeyb Gali Laheyd  Kulanka wadatashiga kasoo ku sugan qaar kamid ah wadamada Carabta

Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa kaga Hadlay arimo Badan waxaa sidoo kale arimaha ku xusnaa warsaxaafadeedka  kamid ahaa xariga Tv-ga Universal oo dhawaan la xiray

War-saxafadeedka uu soo Saaray Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya ayaa sidoo kale loogu baaqay Bahda Saxaafada in aysan qeyb ka Noqonin Falalka qalqal Galin Kara siyaasada dalka soomaliya

Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in  si deg deg loo sii deyn doono suxufiyiinta ka xiran Tv-ga Universal iyo Xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho

Ugu dambeyntii kulanka ayaa la sheegay in uu dhici doono 10-bishaan xiligaas oo dalka  dib Ugu soo laaban doono Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke oo safar dalka kaga Maqan

Halkaan ka dhageyso xildhibaan Cumar Aadan Qaadi  oo aqrinaayo warka ka soo Baxay Guddoonka Baarlamanka 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here