Tahriibayaal Ethopiyaan ah oo ku Dhaawacmay gobolka Bari oo La Gaarsiiyay Isbitaalka Deeganka Waaciye

0

Isbitaalka ku Yaala Deegaanka waaciye ee gobolka Bari waxaa la Gaarsiiyay  Tahriibayaal  Ethopiyaan ah oo shalay ku dhaawacmay shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Bari

Waaxda caafimaadka ee deeganka waaciye ee gobolka Bari oo la Hadlay Radio simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay in Isbitaalka deegankaas la keenay dad u dhashay Ethopia oo Tahriibayaal ahaa oo ku dhaawacmay shil Gaari oo ka dhacay deeganka waaciye ee gobolka Bari

Tirada isbitaalka la geeyay ayaa lagu sheegay in ay Gaarayaan 63-ruux oo Ethopiyaan ah kuwasoo shil Gaari ku Galay deeganka waaciye ee gobolka Bari Galinkii dambe ee shalay

Maamulka Isbitaalka ayaa sidoo kale ka deyriyay xaaladaha caafimaad dadka la keenay isbitaalka iyagoona sheegay in dhawaan la Geyn doono Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso e Gobolka Bari

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here