Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ee Gobolka awdhal waxa ay sheegayaan in Magaaladaas saakay laga dareemayo xiisado u dhaxeeya dadka deeganka ee ciidamada Maamulka Somali-land
Dad ku sugan Magaalada Boorama ee Gobolka awdhal ayaa Radio simba xaruntiisa Muqdisho u sheegay in xaalada saakay Magaalada Boorama ay tahay mid aan wanaagsaneen xili shalay ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka soomali-land ay Rasaas ku fureen dhalinyaro Kubbad ku ciyaareysay Garoonka Magaalada Boorama taasi oo keentay dhimasho iyo dhaawac
Shalay ayay aheyd Markii ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka soomali-land ay gaareen Garoonka ciyaaraha Magaalada Boorama oo xiligaas ay ka socotay ciyaar u dhaxeysay labo koox oo ka dhisan Magaaladas
Laakin arinta keentay in rasaas ay Furaan ciidamada Somali-land ayaa lagu sheegay kadib Markii garoonka Magaalada Boorama laga shiday Heeso ka Turjamaya wadaniyada soomaliya iyo heesaha calanka soomaliyeed
Wixii ku soo kordha kals soco simbanews.com

