Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Black Sea iyo Xaafadda MBC Hodan.
Sida ay idaacadda Simba u sheegeen goob-joogayaal rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka askariga,waxayna ka baxsadeen isla goobta.
Goobta dilka ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

