Al-Shabaab oo Wadada u galay Ciidamo Marayay Duleedka Balcad

0

Dagaal u dhaxeeyaya Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab ay jidka u galeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku socdaalayay meel ku dhaw deegaanka Gololey.

Miino ayaa la qaraxday gaari Cabdi bile ah oo marayay meel ku dhaw deegaanka Gololey ciidamada ayaa saarnaa gaarigaasi.

Gaariga Cabdi bilaha ah ee ciidamadda ay saarnaayeen, ayaa la sheegay inuu gubtay, halkaasina ciidamada qaar dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen.

Dhanka kale Ciidamo gurmad ah oo ka baxay Xerada Hiilwayne, ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen goobtii ciidamada dagaalka iyo qaraxyada ay ku qabsadeen, si gurmad ay ugu fidiyaan ciidamada wadada loo galay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here