Maxkamada CQS oo Toogasho Ugu Hanjabtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda+Dhageyso

0

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ay caro ka muuqatay ayaa shir jaraa,id ku sheegay in qof waliba ee dareeska Ciidanka dowladda wax ku baada lana arko isagoo isbaaro u dhiganaya dadka iyo gaadiidka Gobolka Shabeelha Hoose isaga kala goosha in ciqaab adag ay muteysan doonaan.

Gaashaanle Shuute digniinta ka sokow wuxuu ugu hanjabay kooxaha jidgooyooyinka dhigta islamarkaana lagu arko iyagoo si gacan tuugaaleysi ah gaadiidka lacago sharci dara ah uga qaadaneysa in isla goobtaas lagu toogan doono.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeella Hoose ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamada Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya,iyaga oo ka jawaabayay cabasho ka timid dadka gobolkaasi ku nool.

Dhawaan ayaa maamulka gobolka,waxa ay sheegeen inay dadka Shacabka ah ee ku  nool degmooyin ka tirsan gobolkaas ay isbaarooyin u dhiganayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.


CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here