Ehelada Gabar Ayeeyadeed Sun Ku Dishay oo Dalbaday In aan La Xukumin+Dhageyso

0

Naciimo Bashiir oo arin naxdin leh ku dhaqaaqday kadib markii ay Sun ku dishay ayeeyadeed oo ay raashiin  ugu dartay deegaanka Goobweyn ee duleedka magaaladda Kismaayo.

Gabadhaan ayaa sumeysay ayeeyadeed oo la oran jiray Dahabo Maxamed oo soo korsatay kadib markii  la sheegay inay ka carootay canaan ay u jeedisay sida uu sheegay Xasan Muaxamed Xirsi Xasan Deeq oo ay eedo u aheyd marxuumada la sumeeyay.

Ciidamadda Booliska magaaladda Kismaayo oo soo qabtay Naciimo Bashiir oo dil ku eedeysan ayaa hada xabsiga ku haya iyagoo su’aalo weydiinaya markii ay baaritaanka dhameyana ay kiiskan soo gabagabeyaana la filayo inay go,an ka gaaraan.

Balse Eheladda Gabadha falka geysatay ayaa codsanaya inaysan Hey’daha baarista go’aan degdeg ah ka qaadan kiiskan  maadaama aysan hada waxba soo noqon karin dhacdadana  ay dha dhacday.

Waa dhacdo naadir ah waxayna eheleda gabadhan ayeeyadeed soo korisay dishay ku reebtay uur kutaalo ay ka dhexleen cawaaqib caafimaad iyo mid maskaxeed intaba.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here