Maleeshiyaad hubeysan ayaa rasaasayey shaqaale ka tirsan Hay’ada Qarmada Midoobey u qaabilsan Cunada Aduunka ee WFP kuwaasi oo arimo samafal u tagay degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Maleeshiyaadka Weeraray Shaqaalaha Samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa ka soo horjeeday qeybinta raashin gargaar ah oo la gaarsiiyey Degmadaasi,waxaa ayna doonayeen inay raashinka Boobaan ka hor inta aan loo qeybin dadka danyarta ah ee ku sugan Walaweyn.
Walaweyn ayaa Magaalo ay muddooyinkaan ka jiraan Dagaal beeleedyo soo laalaabtay oo saameyn ku yeeshay Bulshada waxaana dadka halkaasi ku nool ay Simba u sheegeen inay ka walwalsan yihiin Carqaladeynta Raashinkaasi lagu sameeyey.
Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Walaweyn iyo Kuwa Gobalka Shabeelaha Hoose nooma Suurta-galin in aan dhankooda Faah-faahin ka helno.

