Dowladda Soomaaliya Awood Ma U Leedahay In Wax Ay Ka Badasho Doorsahada Koofur Galbeed ( Dhegeyso)

0

Xili dib u dhac uu ku yimid doorashada madaxtinimada maamulka Koofur galbeed ayaa waxaa wali soo yeeraya in dowladda dhaxe ee dalka ay fara galin xoogan ku heyso gudiga doorashada koofur galbeed.

Xildhibaan Cabdullaahi Black oo katirsan baarlamaanka koofur galbeed oo la hadlay Simba ayaa sheegay dowladda dhaxe ee Soomaaliya in faragalin toos ah ay ku heyso doorashada maamulkaasi.

Xildhibaanka ayaa sido kale sheegay in dowladda dhaxe waxba aysan ka badali doonin hanaanka doorashada Koofur galbeed maadama xildhibaanada maamulka ay wax dooranayaan oo dowladda ay hogaaminayaan Farmaajo iyo Kheyre aysan wax ka badali doonin doorashada dhawaan dhici doonta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay marar badan in fara-galin qaawan oo toos ah ay ku heyso hanaanka doorashada maamulka Koofur galbeed, baydhaba-na iney geysan Xubno ay iyada wadato.

Dhageyso: Codka Xildhibaan C/laahi Black Oo Katirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here